Waanu ku jeclnahay macalin, waanu kuu xiisnay, waanu ku tebnay ku soo dhawoow dugsiga gambool.#APDATE🚨 #fagendejournalist @Golis Telecom @Gondogoye Architects #DEGDEG
Marwan Yare ayaa markii ugu horaysay ka halday baaqashada bandhig faneedkii Haboon Nuura. Xasillooni ka shaqaynta way ka hawl adagtahay xasarad abuurka, Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Bilo ka hor markii aan imid magaalada Hargeysa, waxaa la kulmay soo dhaweyn, farxad, laab furan, iyo bandhig faneedkeyga oo ay garabkeyga ahaayeen dhammaan fanaaniinta iyo shacabka reer Somaliland. Taasoo ah wanaag aan marnaba ilaawi doonin. Isbuuc ka hor markii aan imid magaalada Muqdisho, oo ah magaalada aan ku dhashay oo igu dambeysay tobaneeyo sano ka hor, soo dhaweynta kadib waxaan kala kulmay waxyaabo aan ku tilmaami karo khibrad nololeed ii korortay. Waxaan helay casharo (koorso) degdeg ah oo aan ku kala fahmay ‘dhimbilaha dambasta ku hoos duugan.’ Baaqashada Showga/Bandhiga Baaqashada Bandhigeeni Mogdisho siday dad badan u arkeen aniga iigama dhigno guuldaro, sababtoo ah ma rabo inaan diirada saaro xumaanta. Sidaan ognahay xaalada nabadgelyo ee maanta ee magaalada Muqdisho waa natiijada dadaal sanado badan ay bixiyeen madaxda iyo mas’uuliyiin. Bandhigaasna wuxuu u baaqday amarka madaxda, iyadoo la tixgelinayo xaaladda amni, maadaama showga loo arkay mid xaalad keeni kara. Anigana, waxaan u tanaasulay nabadgelyada shacabka, oo mudan in ay ka hormarto wax walba iyo mas’uuliyad gaara oo insaarneyd. Ugu dambeyntii, Habboon Nuura maanta ayay ayadoo faraxsan oo boqran dib ugu laabatay magaalada Hargeysa. Waxaan aad ugu faraxsanahay uguna mahadcelinayaa dhammaan shacabka reer Somaliland ee soo dhawaynta ballaaran ey u sameeyeen boqoradda. Anigana, Insha Allah, waan idin imaan doonaa markaan soo dhameysto hawsha qabyada ee Muqdisho iga taalo. HELLO MOGADISHO.